Skip to main content

Adeegyada luqadda - Soomaali (Somali)

Xogaha ilaha ee la turjumay

Tarjumaadda Barawsarka (dooro bog)

Waaxda Gobolka Michigan ma aqbasho wax mas'uuliyad ah waxayna ka afeefanaysaa dhammaan mas'uuliyadda ka dhalan karta isticmaalka tarjumaad kasta oo ay sameeyeen barnaamijyo ama barawsar dhinac saddexaad ah. Isticmaalka adeeg kasta oo dhinac seddxaad ay bixisa khatarteeda waxay saaran tahay isticmaalaha oo keliya. Macluumaadka la xiriira adeegyada dhinaca saddexaad waxaa loo bixiyaa ujeeddo fududayn ah oo kaliya.

Desktop

Tarjumaadu waxey diyaar kutahay Carabi, Shiinees (La fudeediyey), Faransis, Garman, Taliyaani, Japanese, Korean, Portugueses, Russian, and Spanish.

  1. Fur   Borowsarka Safari oona dooro Aragti, kadib Tarjumaad kujirta liiska marka hoos loso dhacdhaco. Borowsarkaaga ku hagaajiso sida aad doorbideyso, luuqada aan ingiriiska.
  2. Tag boga intarneetka oo aad rabto in aad ku tarjunto.
  3. Badhanka Tarjumaada  waxa uu kaso muuqanaya dhanka midig ee ciwaanka gabalka fidsan. Tarjumaada waxa laga yaaba inaanan laga helin dhamaan boggagga.
  4. Dooro Badhanka Tarjumaada   iyo luuqadaada aad doorbido.

iPhone-ka ama iPad-ka

Safari kujirta Telefoonada

Tarjumaadu waxey diyaar kutahay Carabi, Shiinees (La fudeediyey), Faransis, Garman, Taliyaani, Japanese, Korean, Portugueses, Russian, and Spanish. 

  1. Fur   Borowsarka Safari adigoo isticmaalayo telefoonkaaga oona aad bogga intarneetka aad rabto in aad ku tarjunto.
  2. Dooro calaamada aA kuxigta ciwaanka gabalka fidsan si aad u aragto doorashada goobta. Dhanka liiska marka hoos loso dhacdhaco, dooro ''Ku tarjun'' iyo luuqadaada aad doorbideyso . 
  3. Dooro ''Furo Tarjumaad'' haddii liiska soo muujiyo. Ogow in mar kaliye lagu soo muujin doono adiga si aad u furato tarjumaada.

Telefoonada Apple-ka oo nidaamki hore kushaqeeya ka fa'aweyn IOS 14.0, kuma jiri doonto astaantan. Ka soo dajiso App-ka Tarjumaada ee Google-ka ama App-ka Tarjuma Microsoft-ka telefoonka si aad u awoodo isticmaalka tarjumaadka.

Desktop

  1. Fur   Borowsarka Chrome oona aad bogga intarneetka aad rabto in tarjunto.
  2. Fariin wargelineed oo liiska Tarjumaada Google-ka ayaa laga yaaba in ey kasoo muuqato ciwaanka gablka fidsan hoose. Kadooro luuqadaada aad doorbido liiska si aad u tarjunto bogga.
  3. Haddii liiska tarjumaada uu soo muuqanin, dooro Badhanka Tarjumaada Google-ka  laga hello dhanka ciwaamka gabalka fidsan. Kadooro luuqadaada aad doorbido liiska si aad u tarjunto bogga.
  4. Si aad ugu hesho luuqado badan tarjumaad, dooro Badhanka Tarjumaada Google-ka  laga hello dhanka ciwaanka gabalka fidsan, oona dooro calaamada   liiska waxqabadka. Laga soo bilawo liiska marka hoos loo so dhacdhaco, dooro ''Dooro luuqad kale'' oona kadooro luuqada aad doorbideyso liiska marka hoos loo so dhacdhaco.

Telefoonada Android-ka ama Tablet-ka

  1. Fur   Borowsarka Chrome kujira telefoonkaaga oona aad bogga intarneetka aad rabto in aad tarjunto.
  2. Liiska Tarjumaada Google-ka ayaa laga yaaba in uu kasoo muuqdo badhanka shaashada. Kadooro luuqadaada aad doorbido liiska si aad u tarjunto bogga.
  3. Si aad u hesho tarjumaada luuqado badan, dooro calaamada ficilka   oona dooro, ''Luuqado Badan'' oona kadib kadooro luuqada aad doorbido liiska marka hoos loo soo dhacdhaco.

 

 

 

Desktop

  1. Marka aad furto  Borowsarka Microsoft Edge-ka, riix   seddexda dhibic laga hello dhanka midig borowsarkaaga oona kadib, kadooro ''Dejinta'' liiska marka hoos loo soo dhacdhaco. 
  2. Dhanka bidix borowsarkaaga window-ga, dooro ''luuqado'' oona hagaaji luuqadaada aad doorbido adigoo dooranaya ''kudar luuqado'' oona raac fariimaha gagaaban. 
  3. Haddii aad booqato bog oo lagu tarjumin luuqadaada aad doorbideyso, liis fariin gaaban oo tarjumaada ah ayaa laga yaaba in ay kasoo muuqato ciwaanka gabal fidsan. Raac fariimaha gagaaban si aad u doorato luuqadaada aad doorbideyso oona dooro ''Tarjun'' si lagugu tarjumo bogga. 
 

Macaamillada iyo adeegyada Xoghayaha Dawladda

  • Balanta Turjumaada ee Laanta

    Xafiisyada laamaha hoose waxay bixiyaan adeegyo tarjumaad oo taleefoon ah. Waxaad awoodi doontaa inaad codsato adeeggan wakhtiga ballantaada. Ogeysiis-ka hore ama codsi turjubaan looma baahna. Taageerada ama kaalmada, fadlan iimaylu dir MDOS-Access@Michigan.gov.

    Tijiaabinta Adeega Turjumaada

    Haddii aad u baahantahay in aad tijaabo gasho, soo xaadirto dhageysiga dib u qaadashada shatiga, ama aad gasho imtixaanka dib u qaadashada shatiga, waxaa waajib ah in aad isticmaasho turjumaan oo ay aqoonsan tahay Waaxda Gobolka ee Michigan ka hor xilliga ballanta laguu qoondeyey.

    Waxaad ka codsan kartaa qof kale in uu kuu turjumo dhamaan adeegyada iyo booqashooyinka xafiiska kale ee Xoghayaha Gobolka.

    Tabarucaada turjumaanimada joogta ah

    Macluumaadka ku saabsan turjumaanada joogtada ah ee la ansixiyay ayaa la heli karaa adigoo wacaya 888-SOS-MICH (888-767-6424) ama adigoo booqanaya xafiiska Xoghayaha Dawladda.

    Turjumaanada liiskan ku jira waxaa loo oggolaaday inay adeega ka bixiyaan xafiisyo gaar ah oo uu leeyahay Xoghayaha Gobolka waxaana laga mamnuucay inay lacag ku qaataan.

    Si aad u codsato nuqulka liiska turjumaanada ee horay loo ansixiyay, booqo xafiiska Xoghayaha Gobolka ama iimeyl u dirMDOS-Access@Michigan.gov.

    Tabarucayaasha halka mar ah

    Haddii aad jeclaan lahayd in aad hesho qof kuu turjuma tijaabo, dhageysi, ama dib u imtixaamid, waxay u baahan doonaan in ay soo gudbiyaan codsi si ay u sameeyaan turjumaad hal mar ah. Tarjumaankaaga halka mar ah waa in ay aqoonsataa Waaxdu ka hor booqashadaada la qorsheeyay waxaanuu kaliya turjumaad ka bixin kara tijaabadaada, dhageysigaaga, ama dib u imtixaamidaada.

    Si uu u codsato noqoshada turjume hal mar ah, shakhsiga waa inuu:

    • Buuxiyo oo saxiixo Codsi si uu u bixiyo Adeega Turjumaada Tabarucida ah, marka ay sidaas doortaan waxay noqon doonaan sida turjumaa hal mar ah
    • Keeno sawir ama nuqulka Aqoonsiga ama Shatiga darawalnimada oo sax ah
      Boostada, fakiska ama iimeylka ku soo diraa dhamaan dukumentiyada loo baahan yahay: 

    Michigan Department of State Enforcement Division
    P.O. Box 30708
    Lansing, MI 48909

    Fakis: 517-335-3241 
    Iimeyl: SOS-OIS@Michigan.gov

    Marka waaxdu dib u eegto codsiga, shaqaaluhu waxay la xiriiri doonaan codsadaha si ay ugu wargeliyaan marka loo ogolaado inay bixiyaan adeegyo turjubaan oo hal mar ah.

     

    Codsiga Bixinta Adeegyada Turjumaada Tabarucida ah

  • Dhamaan xafiisyada Xoghayaha Gobolku waxay bixiyaan tijaabooyinka la tarjumey ee imtixaanada aqoonta daraawalka ee luuqadahan soo socda:

    • Albaaniyaan
    • Carabi
    • Shiinays
    • Daari
    • Ingiriis
    • Faransiis
    • Giriig
    • Hindi
    • Talyaani
    • Jabaaniis
    • Kuuriyaan
    • Bashtuu
    • Boolish
    • Burtaqiis
    • Ruush
    • Isbaanish
    • Af Yukrayn
    • Fitnaamiis

    Tijaabooyinka darawaliinta gaadiidka qaaska ah, mootada yar, mootada caadiga ah, iyo ogolaansha aqoonsiga gaarka ah ee (Double R) ayaa sidoo kale lagu bixiyaa luqadaha soo socda ee xafiisyada Xoghayaha Gobolka:

    • Ingiriis
    • Isbaanish
    • Carabi

    Qorshee booqosho xafiis

    Darawalyaal Cusub

    Shatida iyo xogta AQOONSIGA

  • Macaamilo badan ayaa laga yaabaa in hadda lagu buuxiyo onlayn, oo ay ku jiraan cusboonaysiinta shatiga taarikada gaadiidka, shatiga darawalnimada ama cusboonaysiinta Aqoonsiga gobolka, iyo codsiga nuqulka shahaadada gaadiidka. Adigoo isticmaalaya sifada turjumaada otomaatigga ah ee birawsarkaaga, waxaad gali kartaa shabakadeena oo aad ku buuxin kartaa macaamilada onlaynka ah luuqada aad doorbidayso. Booqo boggii hore si aad u aragto tilmaamaha sida si otomaatig ah loogu turjumo bogga internentka ee Waaxda Gobolka.

    Booqo Adeega Onlaynka ah

  • Booqo xarunta isu-adeegida si aad u cusboonaysiiso diiwaangelinta, taariikhda dhicitaanka iyo shatiga taarikadaada ama aad dib u cusboonaysiiso shatigaaga ama aqoonsigaaga, haddii sawir cusub aan loo baahnayn. Dhamaan 160-ka xarumood ee isu-adeegidda ee Xoghayaha Gobolka ayaa bixiya adeega turjumaada ee luqadaha soo socda:

    • Carabi
    • Bengali
    • Ingiriis
    • Faransiis
    • Mandarin
    • Bashtuu
    • Isbaanish
    • Fitnaamiis

    Khidmad adeeg oo dhan $3.95 ayaa lagu daalaci doonaa shay kasta oo lagu kala iibsado xarun iskaa looga adeegto.

    Booqo Adeega Onlaynka ah

  • Badi macaamilada Xoghayaha Gobolka waxaa lagu dhamayn karaa onlayn ama boostada. Macaamilo badan oo ah shatiyada darawalnimada iyo aqoonsiyada iyo badi macaamillada dib u cusbooneysiinta taarikada ayaa lagu samayn karaa xarumaha isu-adeegidda. Haddii lagaa rabo inaad booqato xafiiska Xoghayaha Gobolka, waxaa aad laguugu dhiirrigelinayaa inaad qabsato booqasho xafiis. Booqashooyinka waxa loo qorsheyn karaa ilaa lix bilood ka hor ama maalinta xigta. Kumanaan booqashooyin xafiis ah ayaa la diyaariyaa maalin kasta oo shaqeed (Isniin-Jimce) saacadu markay tahay 8 subaxnimo iyo duhurnimada maalinta shaqeed ee xigta. 

    Sifo aad booqasho ugu qabsato balan luuqada aad doorbideyso qaab onlayn ah, hubi inaad isticmaalayso browser-ka bixiya sifada is-tarjumida. Ama, qabso booqasho xafiis adoo wacaya 888-SOS-MICH (888-767-6424).  


    Qabso booqasho xafiis

    Turjumaada Browser - Adeegyada luqadda

Doorashooyinka iyo macluumaadka cod-bixiyayaasha

  • Waxaad iska diiwaangelin kartaa inaad ka codeyso Michigan haddii:

    • Aad tahay muwaadin Maraykan ah 
    • Ugu yaraan 17.5 jir tahay (horay aad u diiwaan gashanayd markaad jirtay 16)
    • Aanad hadda ku jirin xukun ah xabsi ama jeel
    • Aad degan tahay Michigan

    Hubi heerka isdiiwaangelintaada 

    Adigoo isticmaalaya browser-ka leh sifada iswada-tarjumida, waxaad ka hubin kartaa heerka diiwaangelinta codbixiyahaaga  Michigan.gov/Vote

    Sida la isku diiwaangaliyo

    Waxaad iska diiwaan gelin kartaa inaad ku codeyso onlayn (adigoo wata shatiga Michigan iyo lambarka aqoonsiga) ama boostada ayaad ku soo diri kartaa ugu badnaan 2 toddobaad ka hor Maalinta Doorashada. Waxa kale oo aad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa xafiiska karraaniga ee xaafaddaada wakhti kasta ka hor iyo ilaa 8da galabnimo Maalinta Doorashada. 

    Uma baahnid shatiga Michigan ama aqoonsiga si aad isaga diiwaan geliso oo aad ugu codeeyso boostada ama xafiiska karraaniga deegaankaaga oo waxaad sheegi kartaa afarta nambar ee ugu dambeeysa lambarkaaga Sugnaanta Bulshada. 

    Fadlan ogow in 14 maalmood gudahooda ka hor doorashada, ay tahay inaad iska diiwaangeliso xafiiska karraanigaaga adigoo wata cadeyn-deganaansho.

    Isku diwaangeli onlayn: Isticmaal browser leh sifada is-turjumidda si aad u gasho diiwaangelinta codbixiyayaasha ee onlaynka ah ee luqadda aad doorbidayso ee  Michigan.gov/Vote.  

    Waxaad iska diiwaan gelin kartaa onlayn haddii:

    • Aad haysato aqoonsi gobolka Michigan oo sax ah ama shatiga darawalnimada. 
    • Aad garaneeyso afarta god ee ugu dambeysa ee ah lambarkaaga Sugnaanta Bulshada 
    • Aad jirto ugu yaraan 17.5 sanno 
    • Aysan ka hadhsanayn 14-maalmood ama ka yar Maalinta Doorashada 

    Haddii aad onlayn iska diiwaangeliso marka ay 14 maalmood ka hadhsan yihiin doorashada ama maalinta doorashada, xaq uma yeelan doontid inaad ka codeyso doorashadaas. Diiwaangelinta khadka tooska ah waa mamnuuc 10 maalmood gudahooda markaad cusboonaysiiso aqoonsigaaga ama shatiga darawalnimada.

    Iska diiwaangeli onlayn

    Turjumaada Browser - Adeegyada luqadda
     
    Isku diwaangeli adigoo isticmaalaya foom diwaangelin ah oo la daabici karo:  Waxa aad isku diiwaan gelin kartaa si aad u codayso adigoo isticmaalaya foom diiwaan-gelineed oo la turjumay oo la daabacan karo. Waxaad is diiwaangelin kartaa adigoo adeegsanaya foomka diwaangelinta ee daabacan haddii:

    • Aad haysato mid ka mid ah aqoonsiga gobolka Michigan oo ansax ah ama Shatiga Darawalnimada ama 4ta lambar ee ugu dambeeya lambarkaaga sugnaanta bulshada (hal kaliya ayaa loo baahan yahay).
    • Aad jirto ugu yaraan 17.5 sanno 
    • Aysan ka hadhsanayn 14-maalmood ama ka yar Maalinta Doorashada

    Foomka diiwaangelinta codbixiyaha oo la daabici karo 
     
    Iska diiwaan geli saldhigyada iskaa u adeegga:  Xarunta iskaa u adeegga waxay bixisaa inaad ka codayso saldhigyada isu-adeegga, kuwaas oo bixiya caawimaad luqado aan Ingiriisi ahayn. Eeg qaybta Xarumaha Isu-Adeegidda ee boggan si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.

    Shakhsi ahaan iska diiwaan geli xafiiska karraaniga: Waxaad booqan kartaa xafiiska karraaniga deegaankaaga si aad isu diiwaangeliso oo aad si shaqsi ahaan ugu codayso. 14-maalmood gudahooda ee Doorashada, waa inaad qof ahaan iska diiwaan gelisaa xafiiska karraaniga deegaankaaga waana inaad soo bandhigtaa caddaynta degenaanshaha. Caddaynta degenaanshiyaha waa dukumeenti rasmi ah oo taxaya magacaaga oo dhamaystiran iyo ciwaanka hadda, waxaana ku jiri kara bayaan bangi, shatiga darawalnimada MI oo sax ah ama aqoonsi, heshiis ijaar, ama biilka tamarta.  
     
    Hel karraaniga deegaankaaga

    Coddeynta doorashada

    Si aad cod uga dhiibato doorasho, waa inaad:

    • Tahay codeeye Michigan ah oo diiwaangashan
    • Ugu yaraan jirtaa 18 sanno
    • Aanad hadda ku jirin xukun ah xabsi ama jeel 
    • Qof degan isla magaalo, deegaan, ama tuulo ugu yaraan 30 maalmood ka hor doorashada

    Waxaad xaq u leedahay inaad sameyso codbixin qarsoodi ah. Codeeyaha Michigan ahaan, waxaad codsan kartaa oo ku coddeyn kartaa warqadda codbixinta maqnaanshaha ee doorasho kasta adigoon bixin sabab. 

     
  • Codsashada warqadda cod bixinta maqane

    Codbixiye kasta oo ka diiwaangashan Michigan wuxuu ku codayn karaa isagoo isticmaalaya warqadda codbixinta maqnaanshaha. Si aad u codsato warqadda cod bixinta maqnaanshaha, waa inaad buuxisaa oo aad soo gudbisaa Codsiga Codbixinta Maqnaanshaha. 

    Ikhtiyaarada buuxinta Codsiga warqadaha Codbixinta Maqnaanshaha:

    • Buuxi oo ku soo gudbi arjiga onlayn adiga oo adeegsanaya birawserka leh sifada tarjumidda otomaatiga ah. Kaga codso onleenka Michigan.gov/Vote.
    • Wac karraaniga magaaladaada ama deegaankaaga oo ka codso in arji daabacan laguu soo diro. Raadi xafiiska karraaniga deegaankaaga Michigan.gov/Vote.
    • Soo dejiso codsi daabacan oo turjuman ah si aad ugu soo celiso boostada ama si fool-ka-fool ah ugu keento karraaniga deegaankaaga ama magaaladaada. Foomamka la turjumay ayaa laga heli karaa xiriiriyahaan.
    • Si fool-ka-fool ah xafiiska karraaniga ee degaankaaga ee la qoondeeyay.

    Codsiyada la dhammaystiray waa in uu ku helaa karraaniga aad u qoondaysay boostada, iimaylka ama qof ahaan looga soo dejiyo 5:00 galabnimo Jimcaha ka horreeya Maalinta Doorashada.

    Buuxinta iyo soo celinta warqaddaada codbixinta maqnaanshaha

    Kadib marka aad gudbisid arjiga la buuxiyay, warqadda cod-bixinta ayaa lagu soo diri doonaa ciwaankaaga. Warqada codbixinta maqnaanshaha waxaa sidoo kale lagu soo saari karaa si shaqsi ah marka aad booqanayso xafiiska karraaniga ee degaankaaga ee loo qoondeeyay 40 maalmood gudahooda ee maalinta doorashada. 

    Ku soo celi warqadda codbixinta maqnaanshaha ee dhammaystiran sanduuqa codbixinta maqnaanshaha ee laguu qoondeeyay ama gacanta ugu soo celi magaaladaada, ama karraaniga tuuladaada 8da galabnimo ee Maalinta Doorashada. Boostada soo celinta ee horay loo bixiyay ayaa lagu bixiyaa soo celinta warqadda cod bixinta si fudud oo aan kharash lahayn.

    Ikhtiyaarada soo celinta warqadda codbixinta ee codbixiyaha maqan ee la buuxiyay: 

     
    Codsiga codbixinta AV ee onlaynka ah

    Codsiga codbixinta AV ee la daabici karo

    Soo hel Karraaniga Deegaankaaga iyo meesha uu yaalo sanduuqa lagu ridayo 

    Codaynta qof ahaan ee Waqtiga hore

    Codbixinta waqtiga hore ee Michigan

    Cod-bixiyayaasha Michigan waxay xaq u leeyihiin inay goor hore iyo qof ahaanba ka codeeyaan goobta codbixinta ka hor Maalinta Doorashada.

    Codbixinta hore waxay diyaar noqon doontaa laga bilaabo doorashada hordhaca ah ee madaxweynaha 2024 iyo doorasho kasta oo gobolka oo dhan iyo federaal ah ka dib.

    Codeeyaha Michigan ahaan ka diiwaangashan, waxaad xaq u leedahay inaad keento turjubaan goobtaada hore ee codbixinta. Waxaad waydiisan kartaa qof kasta inuu kuugu adeego turjubaan ahaan, marka laga reebo shakhsiyaadka soo socda: 

    1. Loo shaqeeyahaaga
    2. Wakiilka loo-shaqeeyahaaga
    3. Sarkaal ama wakiil ka tirsan ururkaaga shaqaalaha

    Goorta la Codeynayo Goor hore

    Xiliga codeynta hore waxay socotaa ugu yaraan sagaal maalmood oo xiriir ah, waxayna dhamaan doontaa Axada ka horayso doorashada. Bulshooyinka waxay go'aansan karaan inay bixiyaan maalmo dheeraad ah oo codbixin hore ah, ilaa 29 maalmood guud ahaan.

    Goobaha codbixinta hore waa inay furnaadaan ugu yaraan siddeed saacadood maalin kasta inta lagu jiro xilliga hore ee codbixinta.

    Codeynta hore waxaa loo bixiyaa dhammaan doorashooyinka gobolka iyo federaalka. Bulshooyinka waxay door bidi karaan inay bixiyaan codeynta hore doorashooyinka deegaanka.

    Goobaha codbixinta hore, taariikhaha, iyo saacadaha ayaa diyaar ah 60 maalmood ka hor Maalinta Doorashada ee Michigan.gov/Vote.

    Halka laga Codeynayo Goorta hore

    Codbixiyayaashu waxay booqan karaan goobta codbixinta hore ee aaggooda si ay qof ahaan ugu dhiibtaan codaynta inta lagu jiro xilliga hore ee codbixinta. Goobta hore ee cod bixinta waa sida goob codbixineed oo ay codbixiyayaashu ka dhiiban karaan warqad ka hor Maalinta Doorashada, inta lagu jiro xilliga hore ee cod bixinta. Cod-bixiyayaasha in ka badan hal xaafad, magaalo, ama magaal ayaa laga yaabaa in lagu meeleeyo hal, goob codbixin hore oo la wadaago.
    Codbixiyayaashu waxay ka eegi karaan goobta (yada) hore ee codbixinta ee loo qoondeeyay ilaa 60 maalmood ka hor Maalinta Doorashada Michigan.gov/Vote.

     
  •  Ka codee Goobtaada codbixinta 

    Waxaad si fool-ka-fool uga uga codayn kartaa goobta codbixinta ee la qoondeeyay Maalinta Doorashada. Goobaha codbixintu waxay furan yihiin inta u dhaxaysa 7 a.m. iyo 8 p.m. ee doorasho kasta. Haddii aad saf ugu jirto inaad codayso 8 p.m. marka codbixintu xiranto, wali waad codayn kartaa waxaana lagugu dhiirrigelinayaa inaad safka ku jirto si aad u hesho warqadaada codbixinta. 
     
    Maadaama aad tahay qof coddeeya oo Michigan ka diiwaangashan, waxaad xaq u leedahay inaad u soo kaxeysato turjumaan goobta codbixinta. Waxaad waydiisan kartaa qof kasta inuu kuugu adeego turjubaan ahaan, ilaa uu yahay qof saamayn ku yeelan kara codkaaga.  Turjubaankaagu ma noqon karo: 
    1. Loo shaqeeyahaaga
    2. Wakiilka loo-shaqeeyahaaga
    3. Sarkaal ama wakiil ka tirsan ururkaaga shaqaalaha
    Si aad u hesho goobtaada cod bixinta, booqo Michigan.gov/Vote
     

    Aad Michigan.gov/Vote

  • Adigoo isticmaalaya browser-ka leh sifada is-tarjumida, waxaad ka eegi kartaa heerka diiwaangelinta codbixiyaha Michigan.gov/Vote

    Turjumaada Browser - Adeegyada luqadda

  • Cabsigelinta Codbixiyaha & Khadka Ilaalinta Doorashada

    Codbixiyeyaashu waxay xaq u leeyihiin inay dhiibtaan warqadda codbixinta iyadoon la cabsigelin. Waa sharci-darro in la farageliyo xaqa cod-bixiyuhu u leeyahay inuu dhiibto codbixin. Isticmaal khadka Difaaca Doorashada si aad uga warbixiso cabsi gelinta codbixiyayaasha.

    Cabsigelinta codbixiyayaasha waxaa ka mid noqon kara, laakiin kuma koobna: 

    • Shakhsiyaadka aan ahayn shaqaalaha doorashada ama saraakiisha doorashada ee codbixiyayaasha weydiista dukumeenti shaqsiyeed
    • Sawir qaadista ama muuqaal qaadista codbixiyayaasha oggolaansho la'aan
    • Xiritaanka albaabka goobta codbixinta, xafiiska karraaniga, ama sanduuqa cod bixinta ee maqnaanshaha
    • Su'aal weydiinta ama dhibaataynta codbixiyayaasha
    • Faafinta wararka been abuurka ah ama marin habaabinta ah ee doorashada

    Haddii aad la kulanto wax dhibaato ah ee ah dhiibashada codbixintaada Maalinta Doorashada ama ka hor, ama haddii aad wax su'aalo ah ka qabto habka cod bixinta, la xiriir Khadka Difaaca Doorashada si aad u hesho kaalmo:

    • English: 866-OUR-VOTE (866-687-8683) 
    • Isbaanish: 888-VE-Y-VOTA (888-839-8682) 
    • Carabi: 844-YALLA-US (844-925-5287) 
    • Bengali, Cantonese, Hindi, Kuuriyaan, Mandarin, Tagalog, Urdu, iyo Fitnaamiis: 888-API-VOTE (888-274-8683)

    Helitaanka luqadda

    Dadka degan Michigan waxay xaq u leeyihiin inay la yimaadaan turjubaan aan Ingiriisi ahayn xafiiska karraaniga, goobta codaynta hore, ama goobaha codbixinta si ay uga caawiyaan cod bixinta. Turjumaankaagu ma saameyn karo codkaaga, ma noqon karo loo-shaqeeyahaaga, wakiilka loo-shaqeeyahaaga, ama sarkaal ama wakiil ka tirsan ururkaaga shaqaalaha.

    Looma baahna aqoonsi sawir leh

    Haddii aanad haysan aqoonsi sawir leh, weli waad dhiiban kartaa codbixinta.

    Ku codbixinta maqnaanshaha sabab la'aan

    Codbixiye kasta oo ka diiwaangashan Michigan wuxuu xaq u leeyahay inuu isticmaalo warqadda codbixinta maqnaanshaha si uu ugu codeeyo guriga, u codeeyo goor hore, ama uu ku codeeyo boostada. Wax badan ka baro xiriirkan.

    Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee isla maalinta ah

    Dadka degan Michigan ee u qalma way is diiwaangelin karaan si ay u codeeyaan Maalinta Doorashada iyagoo booqanaya xafiiska karraaniga deegaanka ah ee loo qoondeeyay iyagoo la imanaya caddaynta degenaanshaha. Caddaynta degenaanshuhu waa dukumeenti rasmi ah oo wata magacaaga iyo ciwaankaada hadda, oo ay ku jiraan (laakiin aan ku xaddidnayn) Shatiga Darawalnimada ama Aqoonsiga Gobolka, biilka waaxda, bangiga ama qoraalka kaarka deynta, ama jeegaga mushaharka. Wax badan ka baro Michigan.gov/VoterRegistration.

    Muwaadiniinta soo noqonaya

    Michigan gudaheeda, muwaadiniinta soo laabanaya, ama shakhsiyaadka dambiyada horay u galay, wali way u qalmaan inay isdiiwaangeliyaan oo ay codeeyaan, xitaa haddii ay ku jiraan siidaynta sharafeed ama tijaabo. Qofka xabsiga ku jira ka hor maxkamadeyntooda ama sugaya xukunkooda wuxuu xaq u leeyahay labadaba inuu isdiiwaangeliyo si uu u codeeyo oo uu ku codeeyo warqadda codbixinta maqan. Waxa kaliya ee mamnuuca ah in la diiwaan geliyo oo loo codeeyo qof jeelka ku jira ama xabsiga ku jira ama ah kuwa la hayo xukumidda kadib. Wax badan ka baro Michigan.gov/VoterRegistration.

    Helitaanka codbixiyaha

    Cod-bixiyayaasha Michigan waxay xaq u leeyihiin inay helaan goobo codbixineed oo la heli karo iyo inay ka faa'iidaystaan Goobaha Caawinta Cod-bixiyaha (VATs) si ay uga caawiso cod-bixinta. VATs waa aaladaha lagu calaamadiyo cod bixinta oo leh fudeydin gaar ah oo loogu talagalay naafooyinka maqalka, aragga, jirka, iyo kuwa kale. Codbixiyayaashu waxay xaq u leeyihiin inay si madax-banaan iyo si gaar ahba u codeeyaan iyaga oo aan adeegsan kaalmada VAT; kormeerayaasha doorashada ee goobta ku sugan (shaqaale) ayaa diyaar u ah inay caawiyaan ama bixiyaan tilmaamo marka la codsado.

     
  • Bulshooyinka soo socdaa waxay bixiyaan waax doorasho oo la turjumay oo luuqado gaar ah:

    • Magaalada Dearborn: Carabi
    • Magaalada Hamtramck: Bengali
    • Magaalada Fennville: Isbaanish 
    • Magaalada Colfax: Isbaanish

    Maadaama aad tahay qof coddeeya oo Michigan ka diiwaangashan, waxaad xaq u leedahay inaad u soo kaxeysato turjumaan goobta codbixinta. Dib u eeg "Xuquuqdaada codbixineed" goor hore ee boggan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. 

     
  • Haddii aad wax dhib ah la kulanto markaad dhiibanayso codkaaga Maalinta Doorashada ama ka hor, la xidhiidh Khadka Ilaalinta Doorashada si aad gargaar u hesho:

    • English: 866-OUR-VOTE (866-687-8683) 
    • Isbaanish: 888-VE-Y-VOTA (888-839-8682) 
    • Carabi: 844-YALLA-US (844-925-5287) 
    • Bengali, Cantonese, Hindi, Kuuriyaan, Mandarin, Tagalog, Urdu, iyo Fitnaamiis: 888-API-VOTE (888-274-8683) 
     

Foomamka iyo daabacaadyada

Ka dhex raadi macluumaadka iyo agabka doorashada ee la turjumay adoo isticmaalaya liiska Foomamka iyo Daabacadaha. Dooro luqadda aad door bidayso addoo isticmaalaya Luqadda si aad u shaandhayso dhammaan dukumentiyada la turjumay.


Foomamka & daabacadaha

Codso Dukuminti la Turjumay

Si aad u codsato dukumeenti la turjumay, fadlan iimayl u dir MDOS-Access@Michigan.gov. Fadlan ku dar macluumaadka soo socda codsigaaga iimaylka ah:

  • Magaca dukumeentiga.
  • Luuqad loo codsanayo tarjumaadda.