"Iyadoo afar toddobaad ka harsantahay dhalmadeyda ayaan ogaaday inaan uur leeyahay." Sidee ayay ku dhacday?

Tawana inay da’da 21 ilmo ku dhasho uguma jirin qorshaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tawana inay da’da 21 ilmo ku dhasho uguma jirin qorshaha.

Tawana inay da’da 21 sano jir ilmo ku dhasho uguma jirin qorshaha.

Waxay sheegtay inay noloshaasi ay tahay mid “waalan oo aa caadi ahayn” ayna dooneyso inay saaxibadeed la baashaasho.

Taas waxay ahayd ka hor inta aannan loola carinin isbitaalka ka dib markii ay suuxday.

Wax fikrad ah kama aysan haysan sababta ay istaagga uga dhacday. Kadib waxaa loo sheegay inay caloosha ku siddo canug afar toddobaad keliya ay u dhiman tahay dhalashadiisa.

"Waxaan bilaabay inaan aad u cabsado,” ayay u sheegtay BBC-da qeybta Reliable Sauce podcast.

Qaadan waa ayuu ku noqday warka ah inay uur leedahay.

Sababtoo ah qof ayaa kuugu oranaya, haa afar isbuuc ayaa kaaga hartay in adiga iyo canugaaga aad dunida isku midowdaan.

Ka dib markii la seexiyay isbitaalka, dhakhaatiirta waxay Tawana, weydiiyeen inay sameyso baaritaan dhanka uurka ah ka hor inta aan comubuyuutarka la saarin.

Gaashaanka ayay u daruurtay aragtida dhakhtarka ee ah inay uur iska baarto – waxay sheegtay inay gacanta ugu xirnayd aalad looga hortago uurka taas oo sidoo kale sheegeysa calaamadaha uurka.

Ka dib markii ay soo baxday natiijada uurka oo muujineysay inaysan uur lahayn ayaa Tawana waxay isku qancisay inay saxnayd.

Balse kalkaaliso ayaa dhakhtarka ku qancisay in lasaaro Kombuyuutar, iyadoo markaas weli aaminsan in Tawana ay uur ay leedahay.

Emmanuel, oo ah seeyga Tawana ayaa sheegay in markii ay u sheegtay warka ah inay uur leedahay oo dhali rabto uu gebi ahaanba aamini waayay.

“Waxaas marnaba ma ahan wax suurogal ah,” ayuu yiri. “Waxay u muuqaata arrin mucjiso ah.

In aad uur yeelato adiga oo aannay kaa muuqan caalamadaha sida matagga ama caloosha oo aan ku soo kuusan waxaa la dhahaa uurka cryptic ama cryptic pregnancy.

Waa xaalad aad naadir u ah balse Tawana ayaa sheegeysa inay dhakhaatiirta u sheegeen in “uurka noocaan ah uu ku badan yahay bulshada madowga ah”

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa xaalad aad naadir u ah balse Tawana ayaa sheegeysa inay dhakhaatiirta u sheegeen in “uurka noocaan ah uu ku badan yahay bulshada madowga ah”

Waa xaalad aad naadir u ah balse Tawana ayaa sheegeysa inay dhakhaatiirta u sheegeen in “uurka noocaan ah uu ku badan yahay bulshada madowga ah”

“Waxaa la ii sheegay in mid ka mid ah sababaha ay dadka madowga ah ugu badan yihiin ay tahay qaab dhismeedka lafaheena iyo minkeena, canuuga gudaha bannaanka uma soo koro ee gudaha ayuu u koraa waxayna u badan tahay inuu canuuggaas noqdo daba keen, ayay tiri

Sidaa darteed markii la gaaray xilliga dhalmada, walaacayga ugu weyn waxa uu ahaa in gabadheyda ay qaarka dambe u soo hormari doonto.

In kasta oo xogta uurka qarsoodiga ah aan si sahal ah loo heli karin, Alison Leary, oo ah borofisar ku takhasusay daryeelka caafimaadka ee Jaamacadda London South Bank ayaa sheegtay in ay jirto xog ballaaran oo soo jeedinaysa in ay jiraan kala duwanaansho daryeelka hooyada ee ay la kulmaan haweenka ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar.

"Waxaa jiray daraasado badan oo muujinaya haweenka, gaar ahaan dumarka madowga ah, inay leeyihiin natiijooyin liita xagga uurka iyo dhalmada," ayay u sheegtay BBC Newsbeat.

Waxayna dareensan tahay in loo baahan yahay in cilmi-baaris dheeraad ah la sameeyo oo laga heli karo arrinta gaarka ah ee uurka qarsoon.

"Taasi waa sababta ay u tahay arrin aad muhiim u ah inkasta oo ay saamayso tiro yar oo dad ah sababtoo ah haddii aadan horay u helin daryeelka hooyada wanaagsan, daryeelka dhalmada ee wanaagsan, waxaad u badan tahay inaad la kulanto natiijooyin liita."

Dhakhtarka waxa uu sheegay in maaddaamaa aanay gabadha ka war hayn inay uur leedahay ay la kulmi karto dhibaatooyin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhakhtarka waxa uu sheegay in maaddaamaa aanay gabadha ka war hayn inay uur leedahay ay la kulmi karto dhibaatooyin.

Afar toddobaad iyo afar maalmood ka dib markii loo sheegay inay uur leedahay, Tawaana waxay dhashay gabar ay u bixisay River.

Waxay sheegeysaa inay la dhibtoonaysay niyad-jabka umusha ka dib, oo ay eegtay TikTok si ay u hesho talo ku saabsan noqoshada hooyo da 'yar.

Laakiin waxay sheegtay in aanay cid kale helin, marka laga reebo hal haweenay ah oo Maraykanka ku nool oo sidan oo kale soo martay.

"Runtii waxaan la kulmay niyad-jab qoto dheer sababtoo ah waxay la mid tahay, iyadoon qofna wax talo ah i siin.

Tawana, ayaa markii dambe go'aansatay inay arrinteeda gaarka ah dadka kula wadaagto khadka, ayadoo adeegsanaysa muuqaal oo tan iyo markaas calaamadda Like-ta loo saaray ku dhawaad 400,000 oo jeer.

Waxay kaloo bilowday muuqaal ah, iyadoo la hadlaysa hooyooyin kale.

Tawana, waxay sheegtay inay la wadaagtay sheekadeeda ayna rajaynayso inay ku heli karto taageero dheeraad ah oo hooyooyinka da'da yar ee ogaado inay uur leeyihiin daqiiqadaha ugu dambeeya.

Waxay dareensan tahay inay nasiib u yeelatay inay hooyadeed ka hesho caawimo dhaqaale, laakiin waxay sheegtay inay dhici karto in haweenka kale ee arrinteeda oo kale la kulma laga yaabo inaanay nasiib u yeelan.

Fikrad ahaan, waxay jeclaan lahayd in sameeyo hay'ad samafal.

Muxuu yahay uurka qarsoon ama Criptic Pregnancy?

Dr Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in calaamadihii ay gabadha ku ogaan lahayn inay uur leedahay iyo inaanu uur lahayn lagu kala saarayay aysan dhammaantood jirin.

Xigashada Sawirka, Dr Osman

Qoraalka sawirka, Dr Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in calaamadihii ay gabadha ku ogaan lahayn inay uur leedahay iyo inaanu uur lahayn lagu kala saarayay aysan dhammaantood jirin.

Waxaa laga yabaa inaadan maqal uurka qarsoon ama Cryptic Pregancy. Haddaba wax badan ka ogow xaaladdan.

“Uurka qarsoon ma ahan wax cusub oo waa wax dunida boqollaal sano ka soo jiray laakiin marba magaca is baddalay haddii aan sharraxo Cryptic currency waxa u uku yimaadaa laba xaaladood, xaaladda koowaad waa in gabadha ay ogtahay inay uur leedahay laakiin mushtamaca iyo dadka ay xigtada yihiin la wadaagi karin, qaabka labaadna waa in aanu gabadha ka war haynin inay uur leedahay taa dambe waxa ay xiriir la yeelan karaysaa cudurrada ku dhaca qeybta ruuxiga ah ama xanuunada ku dhaca maskaxda sida isku buuqa oo kale, marka haddii xaalado noocaas ay jiraan waxaa yimaada inaysan gabadha ka war haynin inay uur leedahay amaba in aanu lahayn”, ayuu yiri Dr Cismaan Cali Gaboose oo ka hawl gala Isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dr Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in calaamadihii ay gabadha ku ogaan lahayn inay uur leedahay iyo inaanu uur lahayn lagu kala saarayay aysan dhammaantood jirin.

“Tusaale ahaan calaamadahaas waxaa ka mid ah inuu ilmuhu dhaq-dhaqaaq sameeyo oo kale inaanu jirin laakiin uu nool yahay, mararka qaarna waxaaba dhici karta in gabadhu ay isku aragto in dhiigga caadada marka wax-yaabahaas oo dhan waxay keenayaan inaanu gabadhii ka war haynin ama aanay kala saari karin inay uur leedahay iyo in aanu lahayn,” ayuu yiri Dr Cismaan.

Dhakhtarka waxa uu sheegay in maaddaamaa aanay gabadha ka war hayn inay uur leedahay ay la kulmi karto dhibaatooyin.

Hooyada ama gabadha uurka leh waxay u baahan tahay in caafimaadkeeda lala socdo, in dhiig kar inay leedahay iyo inkale la hubiyo si aanu dhiig-kar ugu dhufan, in la hubiyo in macaan uu ku dhacay iyo inaanu ku dhicin, waxaa jira dhiig-karka iyo macaankuba ku dhaca haweenka marka ay uurka leeyihiin, sidoo kale in la ogaado inay dhiig la’aan tahay iyo inkale, waa xaalado u baahan in lala soco marka ay hooyada uurka leedahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in balwadda ay dhibaato u geysaneyso ilmaha iyo sidoo kale dawooyinka qaar oo aan loo oggoleyn haweenka uurka leh marka sidaas darteed waxa uu yiri, “maddaamaa aysan hooyada ka war hayn inay uur leedahay iyadoo si caadi ah u isticmaaleyso wax yaabaha ka reebban ay canugga dhibaato u geysan karto, waxa kale oo meesha ka baxayo baaritaanadii hooyada iyo dhallaanka sida saaridda kumbuyuutarka,”

“Waxaa mararka qaarkood dhacda in hooyada leh uurka qarsoon aan laga war hayn karin ilaa ay ka soo gaarto xilliga foosha, halka qaarna laga war helo inay uur leeyihiin marka meel dhexe ay soo gaaraan, marka ay dhashana waxaa loo baahan yahay inuu dhakhtarka la socdo xaaladdeeda maskaxeed iyo teeda jireedba.”