Ronaldo: ma la gaadhay xilligii dalkiisu ka maarmi lahaa?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bernardo Silva ciyaaryahanka dalka Portugal, wax kale ma uu samayn aan ahayn keliya in qoslo markii la weydiiyey su'aasha ku saabsan ‘waa kee aarka qolka labbiska ee xulka dalkiinna?”

Sida iska cad waxay ahayd su’aal qaab kaftan loo dhigay - ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City ayaa isla markiiba dafiray fahmayna halka su’aashaasi u socotay, oo ah in Ronaldo uu yahay kan amarka bixiya.

Ronaldo, oo la filayey inuu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah ka dib Koobkii Adduunka ee 2022 ayaan dhicin, iyada oo halyeygan reer Portugal weli mid uu yahay mid saamayntiisii sii socoto, waxaana xagaagan koobka qaramada Yurub ee uu ciyaarayaa yahay rkoodh cusub, oo ah in uu markii lixaad ciyarayo koobkan isaga oo noqonaya ciyaar yahan keliya ee sidaa sameeyey.

"Waxaan la kulmay Ronaldo anigoo tababare u ah Everton 2013," ayuu yidhi Tababarha haatan ee Portugal Roberto Martinez xilli uu ka hadlayey warbaahinta Canal 11. "Ciyaartoyda intooda badan, marka jidhkoodu bilaabo inuu guuldareysto, maskaxduna waa ay aqbashaa, oo ciyaaraha way ka fadhiistaan. Xaaladiise,se waxay u muuqataa mid ka soo horjeeda. Taas, oo ka dhigan jidhkiisu uu joogsan doono kaliya marka madaxu yidhaahdo waa in la joogsadaa.”

"Waa wax cajiib ah marka ciyaaryahan da'diisa ah uu leeyahay caadooyinka iyo rabitaanka 18-jirrada oo kale. Waxa uu leeyahay maskax heer sare ah oo aan xad lahayn. Waxa uu xulka qaranka la joogay 20 sano hadda. Taasi waa mid gaar ah

Weli, inkastoo uu 39 jir yahay, Ronaldo wuxuu muujiyay inuusan qorsheyneynin inuu ka tago masraxyada caalamiga ah.”

Xidigii hore ee Manchester United ayaa u sheegay Martinez in hadafkiisu yahay inuu gaadho 250 oo Portugal ah. Hadda waxa uu haystaa 207 kulan.

Si kastaba ha ahaatee, si uu taas u gaadho, waa inuu la tacaalaa dhaleeceynta isa soo tareysa ee uga imaaneysa taageereyaasha dalkooda kuwaas oo aaminsan in Portugal ay si fiican u ciyaari lahayd isaga la’aantiis.

'in la fadhiisiyo ayaa ka saamayn badnaan doonta sida wax yihiin'

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ronaldo ayaa 10-gool dhaliyay isaga oo ah ninka labaad eek u xiga Romelu Lukaku kala sarraynta goolashii xulalku ugu soo baxayeen koobkan.

Waxa uu ciyaaray 725-daqiiqo, isaga oo keliya Portugal marka ay tahay ka ciyaarid badan yihiin xilli ciyaareedkan Ruben Dias iyo Bruno Fernandes. Qiimayntan oo waxba kama jiraan ka dhigaysa kuwii lahaa ‘ha la fadhiisiyo’.

Kulanka keliya ee uu seegay ayaa ahaa kii 9-0 kaga badiyeen Luxembourg, taasina kama dhigna in aan loo baahnayn.

Seddexdii kulan ee isku diyaarinta koobka Euro-da, Ronaldo ayaa kaliya ka qeyb qaatay kulankii talaadadadii ina dhaaftay teedii ay kaga badiyeen Republic of Ireland, waxaana uu ku helay ammaan aan kaliya ku koobnayn labadii gool ee uu dhaliyay, laakiin sidoo kale qaab ciyaareed kooxeed dheeri ah oo garoonka dhexdiisa ah.

Waxa uu sheegay ka dib guushii 3-0 ay kaga badiyeen Ireland xilli uu ka hadlayey warka ku aaddan in la fadhiisiyo iyo in kale kulammada koobka Yurub "iyada oo aan loo eegin haddii aan ciyaaro iyo haddii kale, waxaan markasta ixtiraami doonaa go'aamada tababaraha." Ayuu sheegay Ronaldo

"Dhab ahaantii saamaynta in la fadhiisiyo ayaa ka weynaan doonta in la ciyaarsiiyo," ayuu qabaa Oliveira, taas oo ka dhigan in haddii la fadhiisiyo kooxda culays aan loo baahnayni fuuli doono.

Laakiin taasi ma dhicin, Ronaldo ayaa ku soo bilawday kulankii ugu horreeyey ee Portugal ay la ciyaareen Czech Republic.

Kulankaas oo si dirqi ah dhammaadka ciyaarta ay kaga guulaysteen kooxdii la ciyaaraysay.

Indhaha oo dhan kulankaas waxa ay hayeen hoggaanka dalka Portugal, oo si gaar loo eegayey sida uu ciyaaro kulankan.

Garamadda ama funaanadda ay xagga danbe kaga buufsan tahay numberka 7-aad ee Ronaldo caanka ku yahay ayaa lagu arkayey Leipzig oo kulankani ka dhacayey.

Ronaldo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ronaldo, oo 39 jir ah, goolhayaha Czech ee Stanek ayaa ka badbaadiyey saddex jeer fursado gool loo beddeli kariyey, iyada oo ciyaartoyda Portugal ay si joogto ah u raadinayeen inay u baasaan gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda tartanka – waa Ronaldo e.

Dhammaadkii ciyaarta waxaa si yaroo fudud shawgii kulankaas u xaday ciyaaryahanka 18 jirka ah Francisco Conceicao, oo 18 jir oo dhaliyey goolka keliya ee ku badiyeen Portugal.

Ronaldo ayaa iyo weeraryahanka Czech ee Schick ayaa ahaa labadii ciyaaryahan ee goolasha badnaa Euro-dii la ciyaaray 2020.

Falanqeeyeyaasha ayaana qaba in su’aashu aanay ahayn “Ronaldo ma ciyaari karaa” asee ay tahay ‘Kooxdani sidee ayay ahaan doontaa marka Ronaldo fadhiisto, ma se is beddeli doontaa?”

Taageerayashii ku sugnaa Germany waxay qabaan in Ronaldo kooxdoodu muhiim yahay, iyaga oo ku faraxsan in kabtankii dalkoodu markale diyaar u yahay in uu ka metelo fagaare caalami ah.

Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa ku tilmaamay in uu weli yahay "kan ugu fiican adduunka", halka mid kale, Marta, ay sheegtay in wax qabadka Ronaldo ee kooxda ay aanu keliya ku koobnayn inta uu ka sameeyo garoonka ciyaaru ka socoto ee uu ka ballaadhan yahay.

"Weli waa u muhiim kooxda, sababta oo ah waxa uu leeyahay dhiirigelin iyo ruux guuleed, wuxuuna mideeyaa kooxda," ayay tidhi.

"Xitaa meelaha ka baxsan kooxda waa muhiim, wuxuu la mid yahay astaan, taas oo na midaysa dhammaan."

Bruno Fernandes – ma u qalmaa hoggaanka cusub ee kooxda?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Portugal, waa ay soo badiyeen dhammaan kulammadii is reebreebka, taas o ka dhigan markii u horreysay ee sidaa sameeyaan.

Waxa ay dhaliyeen, 36 gool, waxaana keliya laga dhaliyey laba gool guud ahaan isreebreebka, taas oo ka dhigan in xarrago iyo ciyaar wanaag ay halkan ku soo gaahdeen.

Su’aasha taagan ayaa se haddii ay u baahan yihiin in ay koobkab mar kale hantaan Bruno- ma muujin doonaa qaab ciyaaredkii looga bartay?

Khabiirkan khadka dhexe ayaa laga yaabaa in aanu xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa la qaadan Manchester United, laakiin waxa uu noqday ninka ugu muhiimsan Portugal sida uu sheegay tababare Martinez, isaga oo dhaliyey lix gool iyo siddeed caawin 10 ciyaarood oo isreebreebka ah.

Bruno, ayaana qaba in Ronaldo khibradda uu kooxda u keenayaa ay ka muhiimsan tahay in uu goolal u dhaliyo.

“Dhammaan waa aynu ognahay muhiimadda ay leedahay in aad haysataa ciyaaryahanno khibrad leh sida Cristiano Ronaldo” ayuu qabaa Bruno Fernandes.

Alan Shearay, oo ah ciyaaryahan hore, haddana weriye dhanka ciyaaraha ayaa isaguna kulankii u danbeeyey ammaanay qaab ciyaareedka Ronaldo. Balse, sida oo kalena soo jeediyey in wakhtigan ay kooxda muhiim u tahay in la yareeyo daqiiqadaha uu ciyaarayo.

Ronaldo ayaa inta aanu koobkan bilaaban ammaanay jiilka cusub ee Portugal, isaga oo sheegay in ay u qalmaan in ay gaadhaan halka u danbaysa ee koobkan oo hantaan.

Faallooyinkan, iyo qaabkii farxadda lahaa ee uu uga falceliyey goolkii Conceiciao ayaa muujinaya in dantiisa ay uga muhiimsan tahay tan kooxdu.