Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta gaaray Matabaan iyo wixii ay la kulmeen

Qoraalka Codka, Matabaan
Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta gaaray Matabaan iyo wixii ay la kulmeen

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in tiro ciidamo Itoobiyaan ah ay maanta gaareen magaalada Matabaan.

Guddoomiyaha degmadaas Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa BBC u xaqiijiyay in ciidamadan oo gaarayay ilaa 3000 ay degmada kasoo galeen dhanka Beledweyne.

Wuxuu intaas raaciyay in kadib wada hadal dhex maray ciidamadaas iyo maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ay haatan ciidamadaasi dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi arrintaasi ku saabsan oo aan la yeelannay guddoomiyaha: