Cismaan: ‘Dantu waxay igu khasabtay inaan isticmaalo xabad, dhinac kastana dhagax baa iga soo dhacayay’

Maqaayadda Qaffee Point

Xigashada Sawirka, Social Media

Qoraalka sawirka, Maqaayadda Qaffee Point

Magaalada Mombasa ayaa waxaa dib loo furay goob ganacsi oo uu lahaa nin Soomaali ah oo toddobaadkan baraha bulshada si wayn uga soo dhex muuqday isagoo bistoolad ku hubaysan oo sida uu sheegay iska difaacaya qaar ka mid ah dibad baxayaashii maalintii Talaadada mudaaharaadka ka dhigayay Mombasa.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud ayaa waxa uu BBC da u sheegay "in dibad-baxayaasha qaar isku dayayeen in ay boob u geystaan maqaayadiisa".

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Cismaan oo gacan ku haysta bistoolada iyo dhagaxaan badan oo hareerihiisa ku hoobanaya.

Cismaan oo ku magac dheer Qalimow oo ahaa mulkiilaha Goobtani ganacsi oo lagu magacaabo Qaffee Point ayaa waxaa uu markii ugu horraysay ka hadlay xaaladii qabsatay maalintii Talaadada ahayd isagoona sheegay in xaalku aad ugu xumaaday ka dib markii ay boqolaal dibad baxayaal ah ay afaafka xaruntiisa ganacsi soo buux-dhaafiyeen.

Waxa uu BBC-da u sheegay in qaar ka mid mid ah dadkii dibad baxayay ay isku dayeen in ay gudaha u galaan maqaaayadiisa, qaarna aadeen dhanka gaadiid ay macaamiishu dhigteenn baakinka.

Dibad baxayaasha ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen mudaaharaadyada looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiyo madaxwayne Ruto.

Fiidnimadii Talaadada, Agaasinka Danbi-baarista ayaa xaqiijiyay in la qabtay Cismaan oo toogasho geystay, oo laga dhigay hubkii, xabsigana loo taxaabay. Waxay sidoo kale sheegeen in laba qof ay ku dhaawacmeen rasaastii uu ridayay Cismaan.

Ma jirto wax dacwad ah oo lagu soo oogay Cismaan oo la xiriirta arrinta loo xiray, sida uu u sheegay BBC da, balse booliska ayaa waxay sheegeen in ay baaritaan ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen.

"Xaalka ayaa igu xumaaday dhinac kastana dhagax baa iga soo dhacayay dantuna waxay igu khasabtay in aan isticmaalo xabad si aan u difaaco nafteedayta iyo maalkayga oo khatar galay.”

Cismaan ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in dhagaxyada qaar ay jirkiisa ku dhaceen dhaawacna gaarsiiyeen.

Cabdimalik oo ah maamulaha maqayaayadda Qaffee Point ayaa sheegay in Tallaadadii ay dhibaato badan soo gaartay.

Xigashada Sawirka, Social Media

Qoraalka sawirka, Cabdimalik oo ah maamulaha maqayaayadda Qaffee Point ayaa sheegay in Tallaadadii ay dhibaato badan soo gaartay.

Maanta dadkii furitaanka ka qayb galay ayaa waxay sheegeen in ay aad u cambaareynayaan wixii ka dhacay goobta iyo dhibkii gaaray milkiilaha makhaayada, waxayna ku taageereen inuu muujiyay xuquuqdiisa is difaaca.

“Walaalkeenna waxaan leenahay Alle haku booga dhayo wixii qasaare ahna ku gaarayna wax ka badan ama wax ka fiican Alle hakuugu baddelo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay dib u furidda maqaayaadde Qaffee Point.

Dhanka kale wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Ducaale oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ninkaasi uu difaacanayay hantidiisa.

Banaanbaxyadii ka dhacayay Kenya todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxay sababeen qasaare soo gaaray ganacsatada qaar.

Cabdimalik oo ah maamulaha maqayaayadda Qaffee Point ayaa sheegay in Tallaadadii ay dhibaato badan soo gaartay.

“Ma jirto cid hantideeda horteeda lagu dhacaya oo istaagaya ," ayuu fikirkiisa ku cabiray maamule Cabdimaalik.

Cismaan ayaa waxa uu sheegay in hubka uu isticmaalayay maalinkaas uu ahaa mid u sharciyeysan oo ay ku ogtahay dawladda Kenya.

Dadka qaar ayaa ka carooday tallaabada Cismaan halka qaar kalana ay ku taageereen maaddaamaa ninkan uu difaacayay hantidiisa.

Xigashada Sawirka, Social Media

Qoraalka sawirka, Dadka qaar ayaa ka carooday tallaabada Cismaan halka qaar kalana ay ku taageereen maaddaamaa ninkan uu difaacayay hantidiisa.

Kadib dhacdadaan, baraha bulshada ayaa waxaa ka dhalatay dood ku saabsan muuqaalka laga duubay Cismaan oo bastoolad ku ridayo dibad baxayaal uu sheegay inay soo weerareen.

Dadka qaar ayaa ka carooday tallaabada Cismaan, iyaga oo sheegay in mudaharaadayaashu ay si nabad ah u banaanbaxayeen, halka qaar kalana ay ku taageereen falkiisa, iyaga oo sheegay in uu difaacayay hantidiisa.

Waddanka Kenya ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday dibadbaxyo looga soo horjeeday sharciga maaliyadda Kenya kaas oo ay ansixiyeen baarlamaanka inkasta oo uu madaxweynaha meesha ka saaray ka dib markii mudaaharaadayaasha ay gudaha u galeen xarunta baarlamaanka dalka Kenya.

Tan iyo markii uu yimid xafiiska madaxweyne William Ruto waxaa ay dawladdiisu soo jeedisay canshuuro kala duwan oo cusub taas oo la sheegay in dawladdu uga gol leheed cirib tirka daymaha lagu leeyahay dalka oo gaaraya ku dhawaad $80 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.