Caruur la gawracay kadibna la jarjaray iyo sabab yaab leh oo dilkooda ka dambeysay oo la ogaaday

Gacan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka Masar ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xaalad naxdin iyo caro weyn abuurtay kadib markii la arkay meydka cunug 8 jir ah oo la gowracay, gacmahana laga gooyay.

Baaritaannada ayaa markii dambe lagu ogaaday in sababta danbiga loo sameeyay ay ahayd in si sharci darro ah loo qodo waxyaabaha qadiimiga ah.

Fal-dembiyeedka ayaa ka dhacay xarunta Badari ee gobolka Assiut ee koonfurta Masar, iyadoo mas’uuliyiinta dalkaasi ay warbixin ka heleen aabe sheegay inuu helay ilmo uu dhalay oo lagu dilay dhul beereed, kaddib markii uu muddo saacado ah gurigiisa ka maqnaa.

Xeer ilaalinta guud ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay sabtidii ku sheegtay in boolisku ay ogaadeen kooxihii ka dambeeyay falkan, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen saddex wiil oo walaalo ah, lana soo qabtay.

Qoditaanka rasmiga ah ee maamulku u sameeyay waxyaalaha qadiimiga ah waligiis ma markhaati furin hadal ku saabsan durraan lagu furayo xabaalaha.

Xigashada Sawirka, THE EGYPTIAN MINISTRY OF ANTIQUITIES

Qoraalka sawirka, Qoditaanka rasmiga ah ee maamulku u sameeyay waxyaalaha qadiimiga ah waligiis ma markhaati furin hadal ku saabsan durraan lagu furayo xabaalaha.

Waxa ay qirteen in ay heshiis la galeen nin baara waxyaabaha qadiimiga ah ee sharci darrada ah kaas oo ka dalbaday inay u keenaan ilmaha calaacashiisa ka dibna uu lacag kaga iibsado si uu ugu isticmaalo allabari ahaan taas oo ka caawineysa inuu helo waxyaalaha qadiimiga ah, waana tan ku kalliftay in ay dambiga galaan.

Dhacdadan ayaa fajac iyo caro ka dhex abuurtay dadka reer Masar, gaar ahaan baraha bulshadu ku wada xiriirto, iyadoo la isla qaatay in loo baahan yahay in la ciqaabo dembiilayaasha, si ay tusaale ugu noqdaan, iyagoo dalbanaya in si isku mid ah loo qisaaso.

Dadka qaar ayaa waxay aaminsanyihiin in marka “faqrigu fido, dhammaan balaayaduna ay la faaftaa”, halka qaar kalena ay sabab uga dhigeen dembiyadaas “jahliga iyo hunguriga”

Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta X oo horay Twitter loo oran jiray ayaa rumaysnaa in "dhaqanka dilka iyo rabshadaha uu ku baahsan yahay Masar sababtoo ah filimada rabshadaha iyo taxanayaasha ee la daawado, iyo sidoo kale sababtoo ah ciyaaraha mobilada iyo muuqaallada oo ay ka buuxaan hub iyo dil." Qaar kale ayaa ugu baaqay waalidiinta inay u fiirsadaan cidda ay carruurtoodu ku dhex milan yihiin ay cilaaqaad la leeyihiin, si looga hortago soo noqoshada dembiyadan oo kale.

Dadka qabuuraha leh ayaa caado ka dhigtay in ay ku xaradhaan erayo cabsi gelin ah oo ay ugu hanjabayaan cid kasta oo ku dhiirata in ay ku xad gudubto qabuurahooda.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dadka qabuuraha leh ayaa caado ka dhigtay in ay ku xaradhaan erayo cabsi gelin ah oo ay ugu hanjabayaan cid kasta oo ku dhiirata in ay ku xad gudubto qabuurahooda.

Amakaagga ayaa ka sii daray markii ay caddaatay in dembiilayaasha dembiga dilka u geystay ilmaha yar oo gacmaha laga gooyay ay ahaayeen ilmo-adeerrada aabbihii, sida lagu daabacay warbaahinta gudaha. Dambigii ay galeen ka dib, waxa ay aabbihii iyo dadkii tuulada ku noolaa ka caawiyeen in ay la raadiyaan si ay meesha uga saaraan shakiga ah inay ku lug laahaayeen ilaa ay booliisku soo heleen xogtooda oo ay qabteen.

Bishii Sebtembar 2021, tuulo ku taal Xarunta Dayrout ee Gobolka Assiut ayaa sidoo kale goob joog u ahayd gowraca wiil dhalinyaro ah oo la jarjaray jirkiisa si loogu bixiyo durraansi oo loo furo qabri qadiimi ah, sida uu ay sheegeen adeerkiis, ilma adeertiis, iyo xaaska adeerka ayaa qirtay dambiga kadib markii la xiray oo la ogaaday inay ka danbeeyeen.

Dhaqannadan ayaa galaaftay nolosha carruur iyo dad waaweyn oo badan. Marka laga soo tago dilka iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in ay durraan ahaan u isticmaalaan, waxaa jira dad badan oo naftooda ku waayay markii ay si sharci darro ah u qodayeen agabka qadiimiga ah, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qodaan iyaga oo aan haysan qalab iyo cilmi baaris dhameystiran, waxaana ku dul duma godadka ay qodayaan. Maamulka ayaa ku dhawaaqay dhowr dhacdo oo noocaan ah.

Dr. Axmed Badraan, oo ah Bare-sare oo cilmiga qadiimiga ah iyo ilbaxnimadii hore ee Masar ka dhiga jaamacadda Qaahira, waxa uu aaminsan yahay in durraanka loo sameeyo jinnga iyo arrimaha jinkuba ay ku badan tahay Masarta sare, taas oo ay ugu wacan tahay riyada ah in si degdeg ah loo hodmo iyada oo si qarsoodi ah loo qodayo waxyaabaha qadiimiga ah.